Carro ka dhalatay booqashada Aaga Masjid Qudus Ee Wasiirka Amniga Isra’il

Falistiiniyiinta iyo Dalal dhowr ah oo Carbeed,ayaa cambaareeyay daandaansina ku tilmaamay, booqasho uu Wasiirka cusub ee amniga Israel uu ku tegay Aagga uu ku fadhiyo Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa oo ku yaalla Magaalada Qudus.

Mas’uul ka tirsan Falastiin,ayaa sheegay in booqashada uu subaxnimadii hore oo maanta ah uu goobtaas ku tegay Itamar Ben-Gvir oo ka tirsan midigta fog, ay ku eedeynayaan, ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Sacuudiga, isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo Jordan,ayaa dhamaantood siyaasigan reer Israel ku eedeeyay inuu ku duulay goobtaas oo ah dhismaha masjidka Al Aqsa.

Aaagaas waxaa hadda ku cibaadeysta oo ay u furantahay muslimiinta oo keliya, balse Ben Gvir,ayaa in badan ku baaqay in Yuhuuda sidoo kale loo ogolaado in halkaa ay ku cibaadeystaan.

Dhankiisa, Ben Gvir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweter-ka ku sheegay in macbadka ay ugu yeeraan Temple Mount ay u furan tahay Qof waliba,isla markaana aanay niyad jabin doonin hanjabaadaha ugu imaanaya Xamaas.