Faahfaahin Qaraxyada ka dhacay Magaalada Bosaso

Wax khasaare ah oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac midna masoo gaarin Bulshada Bosaso.

Labo Bam-Gacmeed,ayaa lagu tuuray Hotel Jaabir gadaashiisa mana soo gaarin Hotelka.

Xiliga,wax dhacayaan waxaa ka socday Hotel kulan balaaran oo ay Bulshada iyo Dowladu ku kulmeen oo looga hadlayay diiwaangelinta.

Kulanka oo socday mudo Hal Saac iyo Bar ah,ayaa wax latuuray kumana yeelan saamayn oo sidii loo qorsheeyay,ayuu kusoo idlaaday,sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah Wasiirada.

Tuuryadan waa mid argagixiso ama hasoo tuureen koox diidan diiwaangelinta oo xaalad abuuraysa ama argagixisada laftigeeda.

Magaaladu aadbay udegan tahay mana laga dareemin Tuuryada xataa Aaga lagu tuuray waa degan yahay.

Jibril Qoobey.