Golaha Wasiirada Puntland oo iskugu yimid kulan looga xaajoonayo Diiwaangelinta

Bosaaso, January 04, 2023: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa shir Guddoomiyey shir heer Wasiir ah oo looga hadlayey u diyaar garowga diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha dadweynaha ee Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.

Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Maamulka Gobolka Bari ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa u diyaar garowga diiwaangelinta dadweynaha ee Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka, taas oo 05/01/2023 ka bilaamandoonta 17 Degmo oo ka mid ah Gobolada Bari, Gardafuu iyo Karkaar.

Intii shirku socday ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday qorshaha Dawladda ee ku aadan habsami u socodka diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee Arrimaha Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka.

Shirka waxaa Wasiirada kala qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo Duqa Degmada Bosaaso.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.