Video:-Faahfaahin dheeriya Qaraxyadii Degmada Maxaas ay ka fuliyeen Alshabaab

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay, tira kalena waa ku dhaawacmeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Mid ka mid ah qaraxyadan,ayaa lala eegtay Guri uu Maxaas ka degan yahay xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka,walow annu Xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay Qaraxan.

Halka kan kalena uu ka dhacay Guriga Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa sheegtay masuuliyadda Qaraxyadan.

Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saareen Maleeshiyada argagixisada Al-shabaab.

Halkan ka daawo muuqaalka