Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha doorashada Golayaasha Deegaanka PL oo bilaabatay

Si degan oo xasiloon,ayay ku bilaabatay diiwaangelinta Cod bixiyayaasha doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland.

Diiwaangelintan,ayaa ka dhacaysa Sadexda Gobol ee Bari,Karkaar iyo Gardafuu haatan.

Sadex Weji,ayaa loo qorsheeyay Diiwaangelintu in ay uga qabsoonto guud ahaan Puntland oo Wejigan ugu horeeyo.

Madaxweyne Deni oo ku adkaystay bilaabida 5-ta Bisha oo saakay ah diiwaangelinta ayay utahay guul ugalaysa taariikhda hogaamintiisa.

Puntland oo horay looga qabtay 3-Degmo oo tijaaba ah doorashadood ayay tani utahay nidaamkeedii oo dhaqaaqay kuna tilaabsaday Dimuqraadiyad sax ah.

Inkastoo Bulshada dareenkoodu jiro xaalada Laascaanood hadana waa usoo baxeen isdiiwaangelinta.