Hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka oo loo sameeyay Sharci cusub 50-sano kadib

Kulankii Maanta ee Golaha Wasiirada,ayaa waxa Guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda DanQaran in ay diyaariyeen isla markaana soo bandhigeen qorshe sanadeed waafaqsan hiigsiga Qaranka, gaar ahaan dib xoreynta dalka iyo dib u dhiska ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Wasiirrada inay wax ka beddelaan hab-dhaqankii hore ee ahaa dhayalsiga hawlaha qaranka iyo isla xisaabtan la’aanta.

Kulanka ayaa Golaha Wasiirradu waxay ku ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Sharcigan cusub ayaa waxa uu Hey’adda NISA ka dhigayaa mid uu sharcigu ka sarreeyo garsooruhuna ka adag yahay; dadka Soomaaliyeedna aanay ka cabsan.

Hindisaha maanta la ansixiyay,ayaa sharciyeynaya jiritaanka hay’adda oo aan horay u laheyn sifo sharci ah oo dhameystiran, iyadoo muddo 53 sano kadib uu sharcigan baabi’inayo xeer lamber 14 oo lagu sameeyay sanadkii 1970.

Waxaa sidoo kale Golaha Wasiiradu maanta ansixiyay heshiisyo ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo Masar oo la xiriira dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, waxbarashada, arrimaha diinta iyo awqaafta.

—DHAMMAAD—-
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia