Maxay yihiin Qodobada ay tahay in la dul istaago si loo helo hay’ad Sirdoon oo Shacab ?

Ugu horeyn,waa talaabo wanaagsan in Hay’adda Nabad Sugiddu leedahay Sharci iyo nidaam ay ugu shaqeyso Shacabka Somaliyed.

Dowladdii Kacaanku waxay abuurtay Hay’adda Nabad Sugidda Sanadkii 1972,iyadoo aan sifo sharci loo dhisin loona abuurtay caburinta shacabka.

Golaha Wasiirada Fadaraalka,ayaa Maanta ansixiyay hindise Sharciyeed Xeer unoqonaya 50-sano kadib hay’ada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka.

Hadaba Baarlamaanka Federaalka,ayaa laga doonayaa dhismaha Hay’ad sireed oo ku dhisan sharci laguna ilaaliyay Qodobadan…

  1. Waa in Baarlamaanku cadeeyo in ay tahay Hay’ad Shacab ah (Civilian Agency)
  2. Shaqadeedu ku eg tahay xog ururin (Intelligence Gathering)
  3. Hoos timaadda Wasaaradda Amniga.
  4. Ansixinteeda iyo xil ka qaadista uu Golaha Wasiiradu Masuul ka yahay.
  5. Baarlamaanku ku leeyahay la xisaabtan joogto ah.
  6. Aan ka qeyb-gelin si dadban iyo si toos ah arrimaha siyaasadda Dalka.
  7. Hay’ad aan hubeysneyn aan lahayn Xabsiyo u gaar ah.
  8. Ciddii Hay’addu eedeyso la hor geeyo Maxkamadaha Dalka.

Qoddobadaas,ayaa la rabaa inuu Baarlamanka Fadaraalku hubiyo.