Booliska Puntland waxuu ka muujiyay bisayl iyo akhlaaq wanaag ilaalinta xasiloonida Diiwaangelinta

Booliska Puntland waxuu muujiyay bisayl iyo akhlaaq wanaag.

Sugida amniga guud marka laga soo tago,waxay si qurux badan udaadihiyeen diiwaangelinta xasiloonideeda.

Si gaar ah waxay dabacsanaan iyo caawimaad ugu muujiyeen Bulshada kuwooda nugul.

Waxaa cajiib lahayd siday umaareeyeen Banaanbaxii koobnaa oo lagu soo dhex qariyay Rag Hubaysan si hadii Boolisku ukala cayriyo loo bilaabo Xabad lana yiraahdo Shacabkaa isdifaacayay.

Inta Banaanbaxaas koobnaa socday Ciidamada Booliska,waxaa laga fogeeyay Aagii ay iskugu yimaadeen Dadkii lasoo abaabulay si aan loo helin marmarsiiyo lagu soo gabado.

Sidoo kale isla Shalay Galab qorshe kale oo Qawadayaashu damceen in ay ku suurad xumeeyaan diiwaangelinta si xirfad sare leh,ayaa loo kala daadiyay.

Xaqiiqdii Puntland Booliskeedu,waxuu muujiyay bisayl iyo masuuliyad saraysa.

Waxaa mudan iyaduna in la xuso sida Boolisku uhelayo xogaha hoose ee sugan.

Jibril Qoobey.