Congress-ka Mareykanka oo weli aan yeelan Afhayeen

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii Saddexaad waxaa ka tagaan ismarin waa la xiriira dadaallada ay Xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan Guddoomiye cusub.

Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee Xisbigiisa.

Koox ka mid ah garabka Midig ee Xisbigiisa,ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta Saddexaad ee Codbixinta.

Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga,ayaa ka dhigay Aqalka in ay awoodi waayeen in ay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

Laga soo bilaabo 1860-kii, markii Ururka Midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga,Aqalka hoose ee Congress-ka,ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan Afhayeenka.

Markaas waxay qaadatay 44-wareeg oo codbixin ah. Koox ka kooban 20 Sharci-dajiyayaal,isla markaana ka tirsan Xisbiga mayalka adag ee Jamhuuriga,ayaa diiday in ay Mr McCarthy siiyaan 218ka cod ee lagama maarmaanka ah.

BBC.