Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha oo si habsami leh uga socota Gobolka Bari

Maalintii Labaad,waxaa si habsami leh uga socda Gobolka Bari diiwaangelinta Cod bixiyayaasha Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland.

Bosaso,ayay uga socotaa si wanaagsan oo xasiloon Dadkuna marba marka ka danbaysa ay soo xoogaysanayaan.

Sidoo kale Degmada Carmo,ayay diiwaangelintu si qurxoon oo Dadku si weyn ugu soo baxay ay uga bilaabatay saakay.

Degmooyinka kale ee Gobolka Bsri,ayaa iyagana ay ka bilaabatay Diiwaangelintu sida uu noo xaqiijiyay Gudiga Doorashada iyo goob joogayaal Madaxbanaan.

Sida la filayo Diiwaangelintu waxay soconaysaa mudo 15-cisho ah haduu rabi idmo.