Faallo:-Ma la oran karaa Somaliland Siyaasiyan waa ufashilantay?

Somaliland xaqiiqdii Siyaasiyan Digsiga ayay ku soconaysaa oo waa Taayiro beeshay.

Afar Qodob oo Todobaadkan ay wajahday Hargaysa,waxay ku ahaayeen Madfacyo waa weyn oo ku dhacay….

1.Kacdoonka Shacabka Laascaanood,waxuu ahaa Madfacii 1-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan.

2.Ka bixida Ciidanka Somaliland ee Gudaha Laascaanood,waxuu ahaa Madfaca 2-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan.

3.Warqadii kasoo baxday Beesha caalamka oo ku ahayd bahdil weyn,ayaa ahayd Madfacii 3-Aad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan.

4.Kulankii ZOOM-ka ee ay iskugu yimaadeen Beesha Caalamka Habeenkii Ciidanka SL ka baxeen gudaha Laascaanood oo lagu go’aamiyay in la dhiso Gudi reer Sool ah oo lagala shaqeeyo Gargaarka Bini’aadantinimo,waxuu ahaa Madfacii Afraad ee ku dhacay hankii Jamhuuriyad Madax banaan.

Hankii Wiilka Isaaq ee ahaa Jamhuuriyad ay Beelo kala duwan ku midaysan yihiin oo uu Xukumo waa fashilmay.

Siyaasadii ku dhisnayd caadifada,nacaybka iyo cuqdada waxaa laga dhaxlay fashil buuxa

Waaqiciga horyaalla Siyaasiga Beesha Isaaq ee macquulka ah waa in uu ka fakaro la noolaanshaha Somalida kale iyo wax ku qaybsiga hanaanka Fadaraaliga ah.

Kacdoonka Laascaanood ugu filan fashil Siyaasadeed Somaliland.

Jibril Qoobey.