Video:-Madaxweyne Xasan Sh. oo fariimo ukala diray Somaliland iyo reer Laascaanood

Si macquul ah,ayuu uga hadlay Madaxweynaha Fadaraalku xaalka Laascaanood.

“Way na dhibaysaa dhibka Somaliyed laga soo bilaabo SL ilaa meesha ugu danbaysa,xataa kuwa Dowladaha dariska ah”.Ayuu yiri M.Xasan.

“Si gaar ah Qof Calankii Buluuga ah lulaya oo hadana dhib ka muuqdo markaan aragno waa na dhibaysaa oo waan udamqanaynaa”Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

“Dowlada Somaliland,waxaan leeyahay sidan si ka badalan kuwajaha xaalka oo Geel diday Waxaro lagama dhex qabto ee Dadka usoo dira Dad ay Af mahyaan oo la hadla”Ayuu yiri M.Xasan.

“Reer Laascaanood,waxaan leeyahay wada hadal usoo diyaar garooba oo joojiya gubista iyo jabinta dood iyo xal diyaar unoqda”Ayuu yiri markale M.Xasan.

Fariin,waxuu udiray Somalida kale oo uu sheegay in ay ka joojiyaan hadalada xanafta leh ee xaalada uga sii daraya.

Xaqiiqdii hadal Waayeel,ayuu ku hadlay Madaxweynuhu,sababtoo ah xalka Laascaanood waa wada xaajood in lagu kala baxo.

Somaliland,waxaa laga rabaa in ay wajahdo waaqiciga.

Sidoo kalena reer Laascaanood ay la yimaadaan hal Aragti oo ay ku midaysan yihiin.

32-sano kadib Dhiig sii daata xal uma ahan Laascaanood ama Wiilal kala safan oo isku hayb hoose ah isku layntood,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka