Video:-Maleeshiyaad taabacsan Kacdoonka Shacabka oo gudaha ugalay Laascaanood

Somaliland khalad weyn oo istiraatijad dagaal ah in ay gashay ayay xaqiiqsatay markii ay Ciidamadeeda ka saartay gudaha Magaalada.

Muuse Biixi in badan,ayuu ka war wareegay in uu gudaha Magaalada ka saaro Ciidamadiisa,sababtoo ah waa Askari fahansanaa in ay adkaan doonto ku celintooda.

Ciidamadan gudaha ugalay Laascaanood waxay ka faa’idaysteen fursada ay bixisay Somaliland.

Dagaal Magaalo laguma kala adkaado oo Boqol Nin oo Guryaha Daaqadahooda kaasoo toogata lagama saari karo.

Waxa kaliya ee dhici kara haday SL isku daydo in ay xoog ugu laabato gudaha Magaalada waa xasuuq Dhiig badan ku daato loogana adkaan doono.

Sidoo kalena ku noqon doona fashil iyo colaad aan harin abid,isla markaana Siyaasiyan soo afjari doona.

Tani waxay SL ku tahay Rubad go’o Siyaasadeed.

Halka Shacabka Kacay iyo Xoogaga Kacdoonka ay utahay fursad weyn.

Halkan ka daawo muuqaalka