Video:-Wadada Burtinle-Xarfo oo la dhisay,ayaa xariga laga jaray

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa intuu ku sugnaa halkaasi waxaa uu xariga ka jaray Wadada Xarfo-Buurtinle, oo si dhameystiran oo Laami ah loo dhisay, Dowladda oo kaashanaysa Midowga Yurub iyo UNOPS ayaa suurtagelisay Wadada waxaana Qeybta farsamada dhismaha fuliyay Shirkadda wadaniga ah ee Isxilqaan.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Howlaha Guud, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobollada Nugaal iyo Mudug, Gudoomiyaha Degmada Garoowe, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, la-taliyaal Madaxweyne iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ka tirsan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka