Video:-Waayihii Diiqnimada Ina Canbaashe Ee Laascaanood oo soo gabagabooy

Ina Canbaashe waayihiisii Diiqnimada ee Sool waa soo afjarantay,waxii hada ka danbeeya ugu yaraan waa lala qaybsanayaa.

Laascaanood kaligii wax laga waydiiyo oo SL udaba fadhido,isla markaana Bulshada Deegaanku isaga marti uga tahay Maamulka waa soo gabagabowday.

Waxaa ufuran Laba Wado midkood oo kala ah..

1.In uu isdaad raaciyo oo Kacdoonka qayb ka noqdo.

2.In uu galo colaad sokeeye oo Dhiig badan ku daato macnaha ugu weyn ee kasoo baxayana ay tahay Wiil Beel kale ah in uu hankiisa gaaro.

Siyaasadii Somaliland ee Laascaanood way fashilantay waxayna gashay siriq in badan lala gaadayay.

Muuse Biixi hogaamintiisa Somaliland waa unaruuro midnimada Somaliyed markale,sababtoo ah ma’ahan Siyaasi ee waa caadifi,qabiiliya,Cuqdadaysan oo Ciilqaba.

Jibril Qoobey.

Halkan ka daawo muuqaalka