Daawo khudbad uu kaga hadlay Madaxweyne Deni khilaafka Villa Somaliya,Laascaanood iyo Dimuqraadiyaynta

Madaxweyne Deni oo Caawa ay ku beegnayd 4-sano ka hor doorashadiisii hogaaminta Puntland,waxuu ku dul istaagay arimo door ah khudbad uu ka jeediyay Xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka Xukuumada.

Puntland iyo Fadaraalka,ayuu ka hadlay..”Waxii Puntland soo qabatay ee ahaa Dastuurka Kmg ah,Shirarkii Fadaraalaynta ee Garowe iyo Galkacyo iyo in Caasimada Dowladu ku shaqayso waxii ay gelisay waa in aan la dayicin”.

Dimuqraadiyaynta Puntland,ayuu ka hadlay.

Xaalada Laascaanood,ayuu ka hadlay….

“Dastuurka in la qabyo tiro,waxaa hor taagan in arinka Somaliland meel la saaro mana yeelayno in Sool iyo Sanaag si dadban Gacanta loogu geliyo SL,iyadoonba goobta joogin,ilaa Dhulkayaga meel naloo saaro oo PL iyo SL isku si loo galo arinkooda wax dhaqaaqayaa majiraan”Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dood macno leh oo uu ka galay,ayuu soo bandhigay qadiyadaha Fadaraalisimka iyo Sool iyo Sanaag,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka