Faallo:-Hamiga Deni Ee ku darsasho waa khatar Sharci oo aan la aqbali karin.!!

Gaas Maalin kuma darsan weliba,isagoo ka faa’idaysan kara fursado markaas jiray.

Faroole Dastuurka oo la dhamaystiray,ayuu hirgelintisii 5-ta Sano dhex raacsaday Sanad si kale uguma dhicin.

Cadde kuma darsan ee isbadalkii,ayuu fuliyay.

Maxamed Cabdixaashi kuma darsan hal Maalin.

Cabdullaahi,ayaa ku darsaday,waxaana laga dhaxlay khasaare xoog leh.

Madaxweyne haku fakarin mudo kororsi hal daqiiqo.

Dimuqraadiyada mudada kuu hartay ka shaqee intaad ka gaarto,kadibna doorashada Madaxtooyo xiligeedii ku qabo.

Hadaladaadii Caawa ee Burtinle aad kaga kaftantay waxay u ekaayeen kuwo mudo kororsi uhanqal taagaya.

Sida aad ku dul istaagtay khudbadaadii ilaali xeerarka heshiiska lagu yahay oo fuli Dastuurka iyo astayntiisa mudo xileedka Madaxweynaha.

Majirto hay’ad awood uleh in ay jabiso Dastuurka samayamsana mudo xileed Sharciyad wata.

Waxaa sharaf iyo taariikh kuu ah in aad Dimuqraadiyadii dhaqaajisay,isla markaana ilaalisay Dastuurka tahayna dabiiciyan hogaamiye Dimuqraadiya oo ogol xilku in uu meerto yahay.

Hadii wax badan oo aad qorshaysatay ay kaaga hirgaleen reer Puntland tan haku dayin oo haka gudbin khadka Cas.

Jibril Qoobey.