Go’aamada kasoo baxay Madaxtooyada Puntland waa in Golayaasha Dowlada laga ansixiyaa..

Go’aamada kasoo baxay Dowlada Puntland waa kuwo masiiriya oo xiligoodii yimid.

Hadaba si masiiri ahaantoodu udhamaystiranto oo Sharciyad rasmiya uhelaan una noqdaan wax Beri Puntland wax ugooya waa in Madaxtooyadu samaysaa Sadex arimood oo kala ah….

1.In Golaha Wasiirada loo gudbiyo lagana ansixiyo.

2.In Baarlmanka loo gudbiyo,lagana ansixiyo

3.In Aqalka Sare Xubnaha ugu jira PL in loo gudbiyo.

Intaas kadib waxay noqonayaan Qodobadan kuwo dan guud ku fadhiya oo kasoo baxay Golayaasha Dowlada Puntland oo idil.

Dalku Fadaraal ah ma’ahan ee waa Somaliland oo Muuse xukumo,Puntland oo Deni xukumo,Bartamaha iyo Koonfurta oo Xasan xukumo.

Madaxweynaha halagu garab siiyo socod siinta go’aamadan.

Jibril Qoobey.