Video:-Waxqabadka Afartii Sano lasoo dhaafay Ee Dowlada Puntland oo lasoo bandhigay

Garoowe: 08 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda Bandhiga waxqabadka 4-sano ee lasoo dhaafay iyo Daah-furka Qorshaha Xukuumadda ee sanadka 2023.

Munaasabadda 8-January 2023, ayaa si ka duwan Sidii hore loo xusay caawa Iyadoo lagu soo bandhigay Waxqabadka Dowladda ee Afartii sano ee lasoo dhaafay, oo lagu soo gudbiyey Qoraal, Buug daabacan iyo Dukumenteri maqal iyo muuqaal ah.

Waxaa Bulshada iyo Warbaahinta oo toos u tebinaysay lala wadaagay Yoolashii Madaxweynaha ee xiligii olihiisii Doorashada, Habka yoolkasta loogu jaangooyay qordhe dhameystiran iyo Waxyaabaha ka qabsoomay sida Amniga, Ciidamada, Dimuqraadiyadda, Maaliyadda, Waddooyinka la dhisayo iyo Garsoorka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda ,Golaha Garsoorka, Ururada Siyaasadda Puntland, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidanka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan ka daawo muuqaalka