Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Ruushka iyo Ukrain?

Saraakiisha Ukraine,ayaa sheegay, in ciidamada Ruushka oo kaashanaya maleeshiyaad calooshood u shaqeystayaal ah ay kordhiyeen weerar ay ku qaadeen magaalada yar ee cusbada laga soo saaro ee Soledar ee dhacda dhinaca bariga Ukraine.

Saraakiishu waxay sheegeen, in ciidanka Ukraine ee aaggaasi jooga ay iska caabiyaan mowjado weeraro ah oo ay hogaaminayaan ciidamada Ruushka.

Hase yeeshee, Britain ayaa maanta sheegtay in ciidanka Ruushka iyo kuwa calooshood u shaqeystayaasha ka tirsan kooxda Wagner, ay u badan tahay inay hadda gacanta ku hayaan inta badan magaaladani oo ka tirsan gobolka warshadaha caanka ku ah ee Donbas.

Qabsashada Soledar ayaa ciidamada Ruushka uga dhignaan doonto in ay xoogga wada saaraan dagaalka ay ka wadaan magaalada Bakhmut oo dhowr KM u jirta dhanka Koonfur-galbeed, halkaasoo ciidamada labada dhinac ay khasaare xooggan kasoo gaarayaan dagaallo faraha looga gubtay oo maalmahaani isaga soo horjeedeen