Imisa heer ayay ka kooban yihiin awoodaha Dowlada Fadaraalka?

Awoodaha Dowladda Federaalka waxaa loo kala saaraa illaa 3-qeybood, waxayna kala yihiin:

1) Awoodo Dowladda Federaalku leedahay kuwaas oo loo yaqaan awoodaha khaaska ah (exclusive or delegated powers). Awoodahaas waxaa ka mid ah: Arrimaha Dibedda, Difaaca, Lacagta, Ganacsiga caalamiga ah, Boostada & Isgaarsiinta iwm.

2) Awoodo Dowlad-goboleedyadu leeyihiin oo loo yaqaan awoodaha soo-hara (reserved or residual powers). Awoodahaas waxaa ka mid ah: Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta, Kheyraadka dabiiciga ah, Guryaha, Golayaasha Degaanka iwm.

3) Awoodo labadooda ka dhaxeeya, kuwaas oo loo yaqaan awoodaha wada-socda ama ka wada-dhaxeeya (concurrent powers). Awoodaha ka wada dhaxeeyn karana waxaa ka mid ah: Canshuuraha, Maxkamadaha, Doorashooyinka, Bangiyada, Waddooyinka iwm .

Haddaba maxaa ka khaldan qodobada ay ku soo qoreen Jadwalka ay dowladda federaalku soo saartay? hoos ka akhriso…