Kenya oo xiriir Diblomaasiyadeed oo sare la bilaabaysa Somaliland

Waa dharbaaxo Diblomaasiyadeed oo Kenya ku dhufatay Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Kenya in ay Hargaysa ku darsato hawlgalda cusub ee Diblomaasiyadeeda kusoo kordhay waxay ka dhigan tahay in ay u aqoonsatay ugu yaraan maamul ka madaxbanaan Dowlada Fadaraalka ah.

Waa xeerin la’aan midnimada Dhuleed iyo mida Dowladnimo ee Somaliya,waana xadgudub cad talaabada Kenya.

Wakiil ufadhiyi doona ayay si rasmi ah Kenya ugu dirsanaysaa Hargaysa dhawaan sida uu qoray Wargeyska Business Daily.

Dowlada Fadaraalka Somaliya kama aysan hadlin qorshaha Kenya ay kula bilaabayso xiriirka Diblomaasi ee maqaamkiisu sareeyo Maamulka Waqooyi Galbeed ee Somaliya.

Jibril Qoobey.