Ma dhabaa in Madaxweyne Xasan hor istaagay Mashruucii dhismaha Wadada Garacad-Goldogob?

Dowladii Farmaajo,ayaa xiligeedii diyaarisay Mashaariic laga dalbanayo African Development Bank (AFDB).

Mashaariicdaas oo ku kacayay 68-Milyan oo dolar,waa laga qadiyay Puntland xliigaas.

Kaliya waxay PL ku lahayd Wado Jid cadde ah oo $2-Million ku kacaysa iskuna xiraysa Gaalkacyo-Galdogob oo Odoyaal kasoo jeeda Beesha Leelkase ay ula tageen Fahad si Abtinimo ah.

Dowlada Xasan markay talada la wareegtay,waxaa laysla gartay in lasaxo Mashruucaas Puntland qoondadeedii laga siiyo.

Balse Madaxweyne Xasan ma fulin ballanqaadkii sidii uu ahaa Mashruucaas,ayuuna udaayay.

Haatan Lacagtii Mashruucaas,waa lasoo ogolaaday,iyadoo ay Puntland ku leedahay 2-Milyan oo dolar qura.

Madaxweyne Xasan danbiga Labaad ee uu ka galay reer Puntland waa in uu 2-Milyan ee ku jirta Mashruucaas uga dhigay 50-Milyan si waadixana uga sheegay xarig jarkii Dekeda Garacad.

Isku soo wada duuboo arinkan,waxuu ubaahan yahay in la saxo oo Mashaariicda iyo Siyaasada lakala saaro.

Madaxweyne Xasan tani waxay ku tahay cadayn xaqiijinaysa Eexda iyo musuqa lagu xanto.

Puntland uma dhutin doonto wayna dhisanaysaa Wadada Garacad-Goldogob hadii la Gacan bidixeeyo sida hada muuqata.

Jibril Qoobey.