Xasan Shiikh oo furay Shirka Garsoorka Bartamaha iyo Koonfurta Dalka looga xaajoonayo

Shirka uu furay Xasan Shiikh waxaa lagu tilmaami karaa Shirka Garsoorka Bartamaha iyo Koonfurta Dalka.

Sababtoo ah Puntland horay ayay udiiday in ay qayb ka noqoto Shirkaas iyo Qodobada looga xaajoonayo.

Sidoo kale Somaliland,ayaa horay usii maqnayd oo ku dhawaaqday goosasho ay kaga baxday Jamhuuriyada.

Ma furin midka Jamhuuriyada Fadaraaliga ah ee Somaliyed Madaxweyne Xasan Shiikh.

Magac ahaan waa Madaxweynaha Jamhuuriyada,balse micno ahaan waxuu matalaa Bartamaha iyo Koonfurta Dalka Madaxweyne Xasan Shiikh.

Waa loogu yeeri karaa Madaxweynaha Bartamaha iyo Koonfurta Dalka ilaa laga helayo Dastuur lagu midaysan yahay oo dhamaystiran.

Somaliya waa Sadex qaybood oo mid walba ay leedahay Dastuurkeeda iyo xeerarkeeda,kuwaasoo kala ah…

1.Somaliland oo uu hogaamiyo Muuse.

2.Puntland oo uu hogaamiyo Deni.

3.Bartamaha iyo Koonfurta oo Xasan matalo.

Somaliya weli ma gaarin Jamhuuriyad heshiis lagu yahay oo Dastuurkeedu udhamaystiran yahay.