Faallo:-Ma nihin Hal Dowlad Ee waxaan nahay Hal Dal oo Somaliya la yiraahdo.!!

Madaxweyne XSM wuxuu yiri waxaan nahay hal Dal iyo Hal Dowlad:

Tan kowaad waxaan nahay hal Dal oo Somaliya la isku yiraahdo.

Tan labaad hal Dowlad ma nihin, taas oo ahaan lahayd wadatashagii siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale ee Dalka isku wadi lahaa, lana Aamini lahaa hogaankiisa:

Dowladda XSM ee laga doonayey kalsoonida iyo dhameystirka shuruuc qabyo Dalka u ah:

Awoodda Dowladda siduu u qeybiyey ayey ka muuqaataa in Xassan uu la yimid ficil tafaraaruq ah, halka uu Afka ka leeyahay Somali Heshiis ah.

Xassan asaga,ayaa isku ah wax walba- Madaxweyne, Gole Xukuumad iyo Gole Baarlamaan.

Qeybinta Awoodda – Xisbiga UPD:

  1. Raysal Wasaare (Daarood) UPD
  2. Arrimaha Gudaha (Hawiye) – UPD
  3. Dastuurka (Hawiye) UPD
  4. Cadaaladda (Hawiye) UPD
  5. Qorsheynta (Hawiye) UPD
  6. NISA ( Hawiye) UPD
  7. Maaliyadda (Dir) UPD
  8. Waxbarashada (RAH) UPD
  9. Caafimaadka (UPD)
  10. Kaluumeysiga (Dir) UPD
  11. Maaliyadda (Isaaq) UPD
  12. Amniga (Daarod) UPD
  13. Degaanka (UPD)
  14. Arrimaha Dibedda (Daarood)

Shaxda kore waxay muujineysaa in HSM uusan diyaar u ahayn in Soomali heshiiso,waana sababta Puntland u diiday in Masiirkeeda ay hoos dhigto HSM oo weligiis siyaasad ahaan ahaa nin faquuqa reer Puntland.

Muqdisho waxaa ka socda in shaqooyinkii Federaalka laga wada qaadayo dad badan oo heybtoodu tahay Daarood,waxaana dib u soo laabatay Qabyaalad xoog badan oo abuurtay in:

Golaha Wasiirada Hawiye iyo UPD ay sameystaan gole u gaar ah. Sidoo kale Xubnaha Golaha Baarlamanka Hawiye waxaa loo sameeyey Gole wadatashi. Dhamaantood waxay toos ugu xiran yihiin HSM. Halka xubnaha reer Koofur Galbeed ay aad u kala qeybsan yihiin, dagaal siyaasadeed ay kula jiraan Gobolkoodii. Sidoo kale, xubnaha Daarood ee Jubbaland laga soo doortay ayaa midnimadoodu aad u hooseysaa, ayagoo ku kala qeybsan arrimaha Gobolka Gedo. Xubnaha Puntland ee labada Aqal ayaan mideysneyn dhexdooda, Puntland xiriir wanaagsan la lahayn.

Ugu dambeyn, HSM lix bilood ayaa maradii uga dhacday, kamana xishoonayo qabyaalad – caddeyn (hogaanka NISA).

Ha la doono sidii Soomali ku heshiin lahayd…

Jibril Qoobey.