Maleeshiyaadka Amxaarada oo laga saaray Gobolka Tigreega

Dowladda Itoobiya,ayaa Xalay shaacisay, in Ciidamada Amxaarada ee ka barbar dagaallamayay Millatariga Itoobiya, ay ka baxeen Gobolka Tigray.

Ciidankan oo ka socday Gobolka Amxaarada,ayaa ka qeybgalay dagaalka sokeeye ee muddada labada sano ka socday gobolka Tigray, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda oo garabsanaya Erirea iyo Maleeshiyaadka Amxaarada oo dhinac ah iyo xoogaga TPLF.

Ka bixistan,ayaa qeyb ka ah, heshiis uu garwadeen ka ahaa Midowga Africa oo ay dowladda iyo TPLF bishii November ku kala saxiixdeen South Africa, kaas oo gundhig u noqon doono nabad ka islaaxda Itoobiya.

Dagaalka sokeeye ee Itooboya,ayaa qarxay bishii November ee sannadki 2020-ki, kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhexgalay dowladda federaalka iyo maamulka Tigray.

Kumannaan qof ayaa lagu dilay dagaalka, halka ay ku bara baxeen in ka badan 12 milyan oo ruux, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.