Maxaad ka xasuusataa Dhaqamadii ku xeernaa hogaamintii Islaan Cabdille Islaan Faarax?

Islaan Cabdille Islaan Faarax Islaan Aaden Islaan Maxamuud,Nin Ina Adeerkii ah oo layiraahdo Macallin Cabdiraxmaan Muuse Islaan Aaden ilaahay naxariista janno Labadoodaba hageeyee,wuxuu igu yiri mar uu taariikhdiisa anoo Telefoon kula hadlaya uu ibarayey…

” Wuxuu ahaa Nin kitaabka ilaahay aan Indhaha ka qaadin,wuxuu ahaa Nin cadaalad badan ,wuxuu ahaa Nin aan kor eegin markii uu fadhiyo Madalaha,Nin aan Dumarku usoo dhawaan jirin,Nin markasta khatima oo ku duceeya Qur’aanka kariimka ama Jamaca .

Wuxuu ahaa Nin taariikhda intuu noolaa aan Meherad fariisan ama uusan socodkiisu badnayn.

Wuxuu ahaa Nin talada lala leeyahay oo aan waligii isagu midiisa ku dhagin.

Waxaa Lataliyayaal gaar ah u’ahaa ;”

Maxamed Cismaan Islaan Aaden.
Yaasiin Shiikh Xirsi Islaan Aaden.
Cabdiraxmaan Muuse Islaan Aaden.
Axmed Xusseyn Islaan Aaden .
Jamac Warsame Islaan Maxamuud.
Waliba jamac isagu joogto buu u’ahaa waayo,wuxuu udhexeeyey Islaanka iyo Cumar Maxamuud Odayadiisa.

Ragaasi waxay u’ahaayeen bud dhiga taladiisa waxa ayna u’ahaayeen Garbo Ninkastana meeshiisa buu ka imaan jiray markii uu ubaahdo taladooda iyo khidmadooda Qur’aanka khatimkiisa.

Wuxuu yiri “Islaanku ilaahay ha’unaxariisto waxa uu ahaa nin rabi yaqaan ah oo Rag yaqaan ah oo deeqsi ah oo aan Aduunyo agtiisa macno weyn ku lahayn .

Waxaa raatibo u’ahayd ducada iyo Khatinka Qur’aanka, waxaa hal hays u’ahaa “ hadal badan haan ma buuxiyo”Islaan Cabdille Islaan Faarax taariikhda inta la’ogyahay oo laga war hayo hal mar oo uu caafimaad u’aaday kenya buu safar galay .

Waxaa islaan ka xarun u’ahayd magaalada loo yaqaan Xarfo.

Islaan Cabdille ilaahay ha’unaxariisto waxa uu ahaa Nin aan ragiisa waligii ka tashan ama talo kala tagin .

Islaanku waxa uu ahaa Nin markasta ragiisu geesaha ka fadhiyaan Shirka kaligii aan galin waxaana lafadhiyi jiray rug cadaaga , Culumada,Odoyaasha,Dhalinyarada iyo Waxgaradka.

Islaan Cabdille ilaahay ha’unaxariistee waxa uu ahaa Caabid rabi yaqaan ah oo balanta iyo cahdiga aad u’ilaaliya sida la’iisheegay.

Islaanku wuxuu Aad & Aad ugu hawlanaan jiray midnimada Dadkiisa iyo Qoys ka Cumar Maxamuud.

Islaan Cabdille waxa uu ahaa Geesi Aabihii Islaan Faarax oo kale ahaa,waxaa qabsaday dagaalo badan intii uu Saldanada joogay midna jixinjix kama muujjn ilaa Gurigiisii Malaasle xataa lagu weeraray.

WQ.Caaqil Xabiib Shiikh Yaasiin.