Sharciga Cunaqabataynta Cayiman Ee Maaliyadeed waxuu ubaahan yahay in la fadaraaleeyo

“Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman oo ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada Fadaraalku,waxuu u eg yahay mid loogu talagalay Dal leh Dowlad Dhexe oo aan fadaraal ahayn looguna talagalay in lagu maamulo Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad kuma jiro hal Eray oo Fadaraal ah kamana muuqato qaab looga fulin karo Hargaysa iyo Garowe”Ayuu yiri Xil.Macalimow.

Xeerkan waa looga baahan yahay Dalkoo idil si uu qayb uga qaato la dagaallanka argagixisada.

Balse,waxuu ubaahan yahay sixid iyo toosin Sharci oo waafaqsan Dastuurka Fadaraalka ah.

Waxaa yaab leh in doodahan aysan ka dhex muuqan Xildhibaanada gaaraya 50-ka ee Puntland ku matalaya Golaha.