Farta Cismaaniyadu saw lama oran karo waa Farta Umadda Somaliyed ??

The Society for the Somali Language and Literature “

Far Soomaali :-

Cismaan Yuusuf intuusan fartaan soo saarin, xuruufta carabiga ayuu isku deyey inuu afkeenna ku qoro.

Arrinkaas waxaa horey isugu deyey Shiikh Aweys iyo Maxamed Cabdille Xassan.

Xuuruufta Carabigu macquul ma noqon. Wuxuu isku deyey xuruufta latinka, iyana macquul ma noqon.

1920 ayuu fartaan soo jeediyey in afka soomaaliga lagu qoro.
1925 Talyaaniga ayaa qabsaday saldanadii Hobyo.

Mas’uuliyiintii Hobyo oo dhan Xamar ayaa lagu xiray.

Talyaanigu il gaar ah ayuu ku hayey Cismaan. Markii danbena xabsiga ayuu dhigay oo khatar ayuu u arkay.

Fartana waddanka waa ka mamnuucay (Mamnuucii kowaad).

1943 waddanka oo dhan waxaa haystay oo ku adkaaday Ingiriiska, oo Talyaanigii waa la qabsaday 1941.

Talyaaniga degganaa Soomaaliya waxay hoos joogeen Ingiriiska.

Ingiriisku waa fasaxay farta, in farta la barto.

1940 – 1950 Ingiriiska ayaa haystay Somalia .
SY: waxaa la aasaasay 1943. Dadka ayay bari jireen dhallinyaradu waana ku shaqaysan jireen.

Qodobka afraad ee xeerka SYL: wuxuu ahaa in Far Soomaaliga la barto laguna shaqeeyo sidaas ayay ku hirgeshay waagaas.

FAR SOOMAALI: Waa Farta magaceeda.
Xuruuft: wuxuu u baxshay Shibbane iyo fure, waa 21 shibbane, 20 fure.

Koore: waa 10 ka mid ah furayaasha oo waa kuwa dhibcuhu saaran yihiin.

Leeddo: waa 10 ka kale aan dhibcahu saarnayn.

Daakhilkii: Siyaasaddii Talyaaniga ee 1950 ilaa 1960 ayaa dagaal ku qaaday farta.

Cismaaniya: ayaa naynaas looga dhigay, iyagoo dadka u tusaya inay tahay far reer lee yihiin. Arrinkaas dadka qaar ayaa fahamsanaa khiyaanada Talyaaniga, qaarna run bay u qaateen oo kuma aysan koon Cismaan oo Odayga magaciisa ah ee waxay la aadeen qabyaalad.

Niman badan,ayaa ka hadlay arrintaas sida David Latin, Mario Morino iyo I.M. Lewis iyo kuwo kale.

Scott: oo qoray buugga Beginning Somali History wuxuu sheegay, in Cismaan khatar yahay oo looga baqayey inuu soomaalida mideeyo, marka waa in dacaayad lagu furaa arrinta qabiil loo tusaa soomaalida iyo in loo tuso soomaalida Cismaan inuu carabiga ka cararayo.

Waa taariikhda farta oo aad u kooban.

Mahadsanid

Yuusuf Nuur Cismaan