Ciidamo ay ku jiraan PSF oo la wareegay Saldhigii Alshabaab ee Bartamaha Dalka

Fadaraalka iyo Xoogagga Deegaanka,ayaa goordhow la wareegay Gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr maalmood kahor ka baxday Degmadaas, kadib sanado badan oo ay Gacanta ku haysay.

Sidoo kale Ciidamada iskaashanaya,ayaa la wareegay Gacan ku haynta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Galcad ayaa ku taal dhinaca Koonfureed ee Gobolka Galgaduud, waxayna 375KM dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho.

Xarardheere waxay u ahayd argagixisada Saldhig muhiim ah iyo Xaruntooda Labaad marka Jilib laga soo tago.