Kumuu ahaa Sarkaalka lagu dilay Qaraxa Tuullada Halgan ka dhacay?

Sarkaal sare oo ka tirsanaa Laamaha Amniga,ayaa ku geeriyooday Qarax saaka ka dhacay Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Dhamme Jamaal Axmed Jaamac,ayaa ku dhintay qaraxa oo ka dhashay Baabuur uu waday Qof is miidaamiye ah.

Jamaal,ayaa ka mid ahaa Saraakiisha Dowladda ee kaalinta ku leh kacdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Ururka al-Shabaab,ayaa sheegtay mas’uuliyadda Qaraxan, waxayna intaas ku dareen inuu fuliyey qof is-maadaamiyey oo kooxda ka tirsanaa.

Kooxda,ayaa intaas ku dartay in weerarka uu ahaa “holwgal qorsheysan” oo ay la beegsadeen dagaalyahanada Macawiisleyda ee Gobolka ka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.