Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wefti la socda oo Baydhabo gaaray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka qeyb-galaya Shirka Wadatashiga iyo Dib u Heshiisiinta Koonfur-Galbeed,ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed.

Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Mas’uuliyiin ka kala socday Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha,ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, si loo xaqiijiyo Koonfur-galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Magaalada Baydhabo waxaa la filayaa inuu maanta ka furmo Shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee Magaalada Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Mas’uuliyiin ka kala socday Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.