Maxaad ka xasuusataa Dhalinyaradii SYL qaybta ka ahaa Ee “Goosan”?

Goosan”

Waa urur SYL ku dhex jirey oo dhallinyaro aqoon leh isku biirsadeen,waxaa ka mid ahaa Shaqadooda:

  1. Ilaalinta Fhaqanka Somaliyed
  2. Ururinta Suugaanta
  3. Barashada far Somaliga iyo Luuqadaha kale
  4. Ka hortagga Gumaysiga Dhaqankiis iyo Qodobo kale.

Raggan ka muuqda masawirkan,gaar ahaan Yaasiin Cismaan iyo Xasan Cali Mire waxay ahaayeen dhallinyaro dibadda wax ku soo bartay Aqoon sare leh.

Shaqadooda tacliinta guud oo ay wadeen waxaa uga weynaa, in ay Isha ku hayaan oo dadka uga digaan dhaqanka gumaysigu Waddankeena keenay.

Cismaan Keenadiid waa Ninka horseeday, in Somalidu Afkeeda iyo Xuruuftiisa aaminto waxna ku qorati..

“AFKEENNA IYO FARTIISA WAA HAL KU DHEG”.

Yuusuf Nuur wuxuu dib u Aasaasay Shaqadii Goosanka.

Yuusuf,wuxuu hirgeliyey in Far Somaliga la qabad siiyo Aaladda casriga ee Computerka.

Sidoo kale wuxuu dib u bilaabay in Far Somaliga la barto,maadaama Far Somali Laatiin aysan ku filnayn Af Somaliga,si afka Ereyadiisa oo idil loo kaydiyo.

Yuusuf Cismaan Nuur.