Maxay ka dhigan tahay gaarida Ciidamada PSF Ee Xarardheere?

“1924:- Hobyo Sultanate soldiers stand infront of Sultan Ali Yusuf’s fort”

“1924-kii ~ Ciidamo ka tirsan Saldanada Hobyo ayaa soo hor istaagay qalcadda Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid ee Hobyo”

Waa taariikh in Maanta dib ugu soo dabaalida nidaam Dowladeed Degmooyinka Xarardheere iyo Hobyo ay qayb ka yihiin Ciidamo kasoo jeeda Suldaankii 150-sano ka hor Dowladnimada ka hirgeliyay halkaas.

Ciidamada PSF oo qayb ka ah hawlgalka sifaynta argagixisada ee socda,ayaa galay Xarardheere.

Si gaar ah Ciidanka PSF,waxuu ula hawlgalayay taageerayaasha Maraykanka iyo Ciidamada kale ee Danab.

Puntland taariikh bay ku leedahay la dagaallanka argagixisada.

Xarardheere waa Saldhigii Labaad Alshabaab oo culays xoog badan ku hayay Gobollada Dhexe ilaa Bosaso.

Saldhigaas,waxuu saari jiray kooxaha argagixisada uqaabilsan isqarxinta,Madax jabinta,Baad qaadista iyo xiriirada Taleefoonada.

Jibril Qoobey.