Qaybtii- 4aad Ee Sooyaalkii suubanaa ee Saldanada Cumar Maxamuud & Mudug

Qaybtii- 4aad ee sooyaalkii suubanaa ee saldanada Omar Maxamuud &Mudug .

Islan Farah Islan Aden Waa aabihii Islan Abdille Wuxuu haystay saldanad xoog badan oo baaxad wayn ku fadhida xaga dhulka & ciidankaba.

Islaanka waxaa loolan adag kala dhexeeyey dhinacyo badan , oo saladanadii Daraawiishta & tii hobyoodba lahayd.

Waxaa ciidamada Islaanka amaanduulayaal marar kala duwan ka ahaa .

  1. Takar
    2.Abdixoosh oo mar waliba qiso adag dhex martay isaga & islaanka , Waa ninkii yiri” islaan hanagu wiiloobin. Arintaa waxaa soo dhex galay iyaddoo meel adag maraysa ,” Mohamed Islan Aden oo ahaa curadkii Islan Aden waxaa laga qoray inuu yiri “ Sadex Mid oo kala Ah “ inaan islaanka waayo ama tolaka waayo ama xoolo waayo “ waxaan doortay inaan xoolo waayo 100 halaad buu ku shubay xerada Islaanka .
  2. Magan mohamed Abdi isna mar noqday amaanduulaha islaanka.
    4 . ALIMAAD Timo-Yare .

Sayidku aakhirkii waxa uu ka doonay Islaanka walaalihii , gabadhii uu doonay Waa diiday oo waxay bah la’ahayd Mohamed Islan Aden .hayeeshee waxaa lasiiyey FADUMO Islan Aden .

Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo, si uu jihaadku u sii xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuun buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku yiri:

Wax walba wow huraayaa ninkii ii walaal noqone.
Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.

Daraawiishi farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaan Xiin Faniin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee. sidii loo yiri dhegtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday u tagtay Sayidka wuxuu guddoonsaday inuu faraska bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay. ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey.

Xayow Faaraxow hadal rag waa, loo xutubiyaaye
Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne
Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye
Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye
Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni
Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye
Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane
Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye.

Sayidku issagoo Gabayga sii wata Wuxuu yiri”

Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye
Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone
Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag
Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye
Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e
Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane
Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere.

Wuxuu ku gabo gabeeyey Sayidku :

Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe
Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne
lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye
Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye
Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye
Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane
Mar hadduu suldaan igu xil lihi, igaga xayddaantay
Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Gabadha waxaa bixiyey Ali- maad Timo-Yare.

Saladano Adag bay ahayd oo odayadeedu ahaayeen rag khuburo Ah oo miisaan lahaa .

Islaan Abdille isagana waxaa Geed Fadhi u’ahaa odayaasha, culumadda , waxgaradka iyo rag gaar ah oo ahaa raga Saladanada raaska u’ah .

Islan Abdille waxaan sheegnay inay bud dhig u’ahaayeen ilma adeertii gaar Ah , sidoo kale ,

Islan Farah waxaa geesaha ka fadhiyey oo bud dhig ilaaliya u’ahaa , rag door Ah oo walaalihiis & iyo ilma adeerkiis Ah.sida :

Mohamed Islan Aden
Muuse Islan Aden
Nuur Islan Aden
Ahmed Muuse islan Aden .

Islan Abdille xiligiisii waxaa jiray oo geed fadhi ahaa” Sheikh xirsi islan Aden oo ahaa saldano xoog badan oo garab wayn u’ahaa Islan Abdille talo & Tusaale intaba.

Waxaana jiray rag door Ah oo ilma adeerkiis ah oo garab wayn u’ahaa , Saladanada ninka markaa jooga maaha wax uu isagu leeyahay waase Mid dadku leeyahay oo xeerar & Qaanuun lahayd aan dhinac lagamari Karin .

Saldano kasta waxaa xeer iyo dhaqan u’ahayd inay raacdo hab-Dhaqankii ka horeeyey ama tii ka horaysay , Waa inay dhabaheedii toos uraacdo.

Marna ma’ahayn habkii saldanooyinku usoo shaqaynayeen wax qof jeebkii ku jira ama qof leeyahay , waxay ahayd saladanaddu Mid xeer iyo dhawaan leh oo sida muraayada loo ilaaliyo xarga goosna looga baqi jirin . Waayo rag adag baa ku duubnaa markasta oo, Taladu ka dhaxayso.

Odayaashii Omar maxamuud ee geed Fadhiga ahaa waxaa ka mid ahaa :

Mohamud Guray Cali Sarmaan .
Ahmed Geyre Dalabeey .
Khaliif Haji Jamac .
Aaden seed .
Yusuf Dhuux cali bare
Haaji warsame cali yey
Cigaal ahmed caymo
Cumar Mahamud Gaani
Hassan Farah Nuur
Mohamed Geesa-Cadde .
Jama bihi Hanaf
Hassan Buraale
Jama warsame islan
Abshir haashi Botaan
Mohamed Farah Cadde
Mohamud Dalmar Timo-Yare
C/dille warsame Owdoon
Farah Guuleed Gidhi
Cali Hashi ( Todoba-cadaab
Hassan Cuuke Afcade
Cabdullahi Yusuf Weerarood

Islaanka waxaa talada lalahaa odayaasha oo geed fadhi u’ahaa xaajo kasta oo timaada.

W:Q. Caaqil Xabiib Sheikh yasin .