Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo si dardar leh uga socota Puntland

Bulshada Deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari ayaa safaf dhaadheer ugu jira si ay u qaataan waraaqda cadaynta u ah is diiwaangalinta.

Isdiiwaangintan,ayaa horseed unoqonaysa in Dadku ay uqaataan Kaarka Codbixinta Doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee Puntland.

Qofkii aan isdiiwaangelin haatan way ku dheeraan doonta in uu helo fursad kale oo uu isku diiwaangeliyo,waxuuna luminayaa xaqiisa Dastuuriga ah oo ma Codayn karo.

Diiwaangelintu ilaa iyo hada si habsami leh ayay uga socotaa Gobolada Bari,Karkaar iyo Gardafuu.