Gudoomiyaha iyo ku xigeenka Maxkamada ugu saraysa Itoobiya oo iscasilay

Guddoomiyaha Maxkamadda ugu sarreysa dalka Itoobiya, Me’asa Ashenafi iyo ku xigeenkeeda Solomon Areda ayaa si lama filaan xilkii isaga casilay.

Ma aysan sheegin sababta ay isku casileen.

Me’asa Ashenafi oo horey ugu ololeyn jirtay arrimaha haweenka,ayaa sanadkii 2018 loo magacaabay xilkan, waxaana loo arkay tallaabo isbaddal ah oo uu waday Abiy Axmed markii uu xilka qabtay.

Tan iyo dabayaaqadii 1980-kii waxay aheyd Garsoore ka tirsan Maxkamadda sare ee Itoobiya,waxayna markii dambe sameysay Urur ay ku mideysan yihiin Haweenka Qareemada ah ee Itoobiya si ay u caawiyaan Haweenka u baahan adeegyada sharciga ah.

Meaza Ashenafi waxay ku lug laheyd kiis caan ahaa oo xitaa lagu soo bandhigay filimka Hollywood-ka ay soo saare ka aheyd Angelina Jolie.