Lixdan Sano kadib Tirada Dadka Shiinaha oo hoos Udhacday

Hoos u dhac,ayaa ku yimid tirada bulshada Shiinaha markii ugu horreysay Muddo 60-sano ah.

Diiwaanka Carruurta dhalaneysa,ayaa muujinaya heerkii ugu hoseeyay,iyadoo 1000-kii Qof ay dhalayaan 6.77 Carruur ah.

Tirada Bulshada Shiinaha sanadkii hore waxay gaartay-1.4118 billion- tiradaas oo ka yar 850,000 qof tiradii la diiwaangeliyay sanadkii 2021-ka.

In muddo ah waxaa uu hoos dhacayay tirada carruurta Shiinaha, arrintaas oo keentay in isbaddal lagu sameeyo siyaasaddii ilma dhalidda lagu yareyanayay.

Markii ugu danbeysay uu hoos dhac ku yimaado tirada dadka Shiinaha waxay aheyd Lixdamaadkii markaas oo uu la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka dhashay macaluul.