Maamulka Deegaanka Somalida Ee Wadanka Itoobiya oo ka qayliyay Dhul balaarsiga Oromada iyo Canfarta

Maamulka Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya,ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Deegaanada dariska ah ay xadka ka wadaan uu ku jiro damac dhul balaarsi ah gaar ahaan Oromada iyo Canfarta.

Cali samriye Sigad, Wasiirka xafiiska arimaha deegaanada iyo xalinta isku dhacyada,ayaa sheegay in Dhul ballaarisga ay wadaan Oramada iyo Canfarata uu dhaliyay khasaare xooggan isla markaana hadda khalkhal laga dareemayo caasimadda Deegaanka ee Jigjiga.

“Degmada Gurre-dhaamaalo maalmihii ugu dambeysay waxaa lagu soo qaaday dagaal la doonayay in shacabka lagu barakiciyo”

“Degmada Ceelkari Shalay iyo Maanta oo u dambeysa dagaal,ayaa ka socda”

“Magalaadii Diridhaba iyadna waxaa la doonayaaa in gacanta Somalida laga wareejiyo oo Gacanta Oromada la galiyo, xaqiiqdii Diridhaba waxay ahayd magaalo Somaliyed.

“Way iska cadahay dhul balaarsiga ay siyaasiyiinta Oromadu wadaan”.

Hadalkaan,ayuu ku sheegay shir ja’aarid uu ku qabtay magaalada Jigjiga.