Madaxweyne Deni oo tababar usoo xiray Ciidamo cusub

Garoowe: 17 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Madaxweynaha ayaa Kula dardaarmay Ciidanka la tababaray in ay noqdaan kuwo ka faa’iideysta aqoonta la baray oo dalkooda iyo dadkooda ugu adeega sida ugu wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa Hadaljeedintiisa kaga hadlay howlgalada Dalka looga xoreynayo Argagixisada, isagoo u boggaadiyay guulihii ugu danbeeyay ee la gaaray sida xoreynta Degmada Xarardheere , wuxuuna Hambalyo u diray Dowladda Galmudug, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Shacabweynaha isu taagay iska dul kicinta Cadowga.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa iftiimiyey hannaanka Dowladu u wajahday qodobadda Dastuuriga ee ay Puntland ku diiday in ay saxiixdo Heshiiskii Muqdisho, oo ay ugu horeyso Guddiga loo saaray si ay u diyaariyaan wada xaajoodka Arrimaha Federaalaynta Dalka.

Maadaama ay ka socoto Gobollada Bari, Gardafuu iyo Karkaar, isdiiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashada Goleyaasha Deegaanka, Madaxweynuhu wuxuu boggaadiyay Shaqada Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka, Ciidanka Amniga , Ururada Siyaasadda iyo ka qeybgalka diiwaangelinta ee Bulshada saddexdaasi Gobol, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobollada kale ee Puntland in ay iyana isu diyaariyaan Isdiiwaangelinta.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.