Tirada Dadkii ku Geeriyooday colaadii Tigreega iyo Dowlada Abiy oo la shaaciyay

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee colaadda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka Labada Sano ka socday Gobolka Tigreega.

Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaarayaan ku dhawaad ​​600,000 oo Qof.

Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal hore ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boqollaal kun.

Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan yihiin, in si taxadar leh loo wajaho, maadaama aysan suurtagal ahayn “in la ogaado tirada buuxda ee dhaawacyada”.

Colaadda ayaa bilaabatay bishii Nofenbar ee sanadkii 2020, markaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu amar ku bixiyay duullaan milateri oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigreega, taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay weerar lagu qaaday saldhig ciidan, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda.

Bishii Nofember ee la soo dhaafay ee sanadkii hore ee 2022-ka, ayaa dowladda Itoobiya iyo Maamulka Tigray, ay kala saxiixdeen heshiis xabbad joojin ah oo soo afjaraya dagaalka.