Ruto”Waa la dili lahaa Gudoomiyaha Gudiga Doorashada xiligii tartanka Madaxweynaha”

Madaxweyne ku xigeenkii hore hadana ah Madaxweynaha Kenya, William Ruto,ayaa sheegsy in laysku dayay in la afduubto isla markaana la dilo Guddoomiyaha Guddiga doorashada xilligii ay socotay doorashada Madaxweyne sanadkii lasoo dhaafay.

Ruto,ayaa ku guuleystay doorashadaas la qabtay bishii August ee sanadkii 2022, wuxuu helay codad gaarayay boqolkiiba 50.5, muran iyo buuq ayaa xilliggaas hareeyay xaruntii lagu tirinayay Codadka.

Xilliggaas Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya, Wafula Chebukati wuxuu sheegay in shaqadiisa uu qabsanayay balse loo hanjabay.

“Waxaan la soconnaa inay jireen isku dayo toos ahaa oo lagu afduuban rabay Chebukati si loo dilo, howsha guddigana loo curyaamiyo, hanjabaaduhu waxay ahaayeen kuwo aad u xun”.

Ruto ayaa hadalkan jeediyay xilli aqalka madaxtooyada uu kulan la lahaa Guddiga Doorashada.

Xibsiga ninkii ay Ruto sida weyn doorashada ugu tartamayeen ee ODM, Raila Odinga ayaa hadalkan ku tilmaamay mid lasoo dhadhoobay.

Wuxuu intaa ku daray, “Waa inay eedeymahan ay horgeeyaan marka la hirgeliyo guddiga baaritaanka ku sameynayo arrintaas “.