Safaarada Maraykanka Ee Somaliya oo si qayaxan ugu jawaabtay Somaliland

Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa ka bixisay jawaab adag eedeyntii maamulka Somaliland usoo jeediyay.

Somaliland,waxaa loo sheegay in ay qayb ka yihiin Somaliya oo aan loo aqoonsanayn Dal gaar ah.

Sidoo kale Safiirka Maraykanka ee Somaliya,ayaa usharaxay waxa ay tahay Shaqadiisa Somaliya.

“Somaliya,waxaan wakiil uga ahay Madaxweynaha Maraykanka,waxaana fuliyaa Siyaasadiisa,taasoo kala dhaxaysa Madaxweynaha Somaliya”Ayuu yiri Danjiruhu.

“Somaliya,waxaan ujoognaa fulinta Sadex arimood oo kala ah,Amaanka Labada Dal,Bini’aadantinimada iyo horumarinta Dowladnimada curdanka ah ee Somaliya,waxaana marka hore kala xaajoonaa wax walba oo aan samaynayno Dowlada Dhexe kadibna DG iyo SL”Ayuu yiri markale Safiirku.

Xaqiiqdii Somaliland,waxaa la siiyay jawaab Diblomaasi,Siyaasadeed iyo mid cad oo waji gabax ah,waxaana la xasuusiyay xeerarka caalamku kuwada shaqeeyo ee la ixtiraamo.

Sida warar kale xaqiijinayaan Maraakiib kusoo xiratay Dekeda Berbera oo Maraykan ah,ayaa waxaa usaarnaa Calanka Buluuga ah taasoo SL kasii caraysiisay.