Beesha Caalamka oo war ay soo saartay ku dharbaaxday Madaxweyne Xasan Shiikh

Beesha Caalamka,waxay soo saartay war dharbaaxo ku ah Madaxweyne Xasan iyo isbahaysigiisa.

Waxay muujisay in ay taageersan tahay wadahadalada,waxayna ka aamustay khilaafkii.

Beesha caalamku,waxay soo jeedisay oo dul istaagtay kuna talisay in xal laga gaaro Qodobadan…

1.In laysla fahmo sidii Awoodda loo qaybsan lahaa.

2.In laysla fahmo Khayraadka Dalka qaybsigiisa.

3.In Dhammaystirka Dastuurka uu noqdo mid la’isku waafaqsan yahay.

4.In wadahadalladu sii socdaan.

Meesha ay istaagtay Beesha caalamku waa halkii ay Puntland taagnayd ee ahayd in loo baahan yahay wada xaajood dheeriya.

Beesha caalamku waxay taageertay mowqifkii Puntland ee wada hadalka,waxayna dhabarka ujeedisay isla qumanaantii Villa Somaliya.

Madaxweyne Xasan ayay si dadban ugu sheegtay in aan looga fadhiyin khilaaf cusub oo uu miiska la fariisto Puntland oo ah ilaaliyaha Dastuurka Fadaraalka.

Si kale hadii loo yiraahdo Garowe,ayaa kaga saamayn badatay Caalamka Villa Somaliya.

Puntland waxay taagan tahay…”Haddii aan Nala maqal cid kale ayaa la maqli”.

Halkan ka akhriso:-