Puntland waa in ay qaadataa doorkeedii oo badbaadisaa Jubaland

Axmed Madoobe waa baxayaa oo waa ka tagayaa Kismaayo ugu danbayn.

Waa soo xalaalaystay jiscinkii iyo Deegaankii uu degi lahaa.

Dekeda iyo Garoonka Kismaayo,waxaa lagu wareejiyay Shirkad Imaaraatiya si rasmi ah,waana jiscinkii uu raadinayay.

Guri uu dejistay Qoyskiisa iyo amaana,waxaa siisay Dowlada Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sanad uu ku anba baxo,ayuu uga badashay qayb ka mid ah Lacagta laga helay Dekeda iyo Garoonka Kismaayo.

Somalida degta Deegaamada Jubaland,waa in ay udiyaar garoobaan ka talinta Aayahooda Axmed kadib.

Puntland Shalay haday wakhti iyo dhaqaale gelisay dhismaha Nidaamka Jubaland hadana waa in ay dhamaystirtaa hadafkeedii oo door gelisaa Jubaland Dhul iyo Dad umidaysan oo nidaamku wada gaaray.

Jibril Qoobey.