Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo lagu daray Liiska argagixisada

Saraakiisha Midawga Yurub ayaa Jimcihii sheegay inay filayaan in Midawga Yurub uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogo ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iran, ka dib markii maalin ka hor uu baarlamaanka Midawga Yurub uu ku baaqay in ururkaas lagu daro liiska argagixisada.

Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in ciidanka ilaalada kacaanka ee Iran lagu daro liiska argagixisada, iyaga oo ugu baaqay guud ahaan Midawga Yurub inay “ballaadhiyaan liiska cunaqabataynta si ay u saamayso dhammaan shakhsiyaadka iyo hay’adaha iyo xataa qoysaskooda” ee u dhashay Iran, kuwaas oo ka masuula xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Talaabadan ayaa la qaaday iyada oo looga jawaabayo gacanta adag ee laamaha ammaanka ee Iran ay kula dhaqmeen mudaaharaadyada dawladda ka soo horjeeda iyo xukunno dil ah oo xigay iyo weliba dilka dibad baxayaasha loo geystay.

Afhayeenka xafiiska arrimaha debedda ee Jarmalka ayaa u sheegay saxafiyiinta in Wasiirada arrimaha debedda ee Midawga Yurub oo ku shiraya Brussels in la filayo inay ansixiyaan cunaqabatayno dheeri ah oo lagu beegsanayo xubnaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran.

Wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA, ayaa ku warameysa in madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi uu Khamiistii sheegay in qaraarku uu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasser Kanaani ayaa ka jawaabay codbixinta isagoo sheegay in ciidanka ilaalada kacaanku uu yahay “kan ugu weyn ee qaabilsan la dagaalanka argigixisada”, sababta oo ah waxa ay ka shaqeeyaan inay ka horyimaaddaan Israel oo ah “waaxda argagixisada ee ugu weyn dunida, boqortooyada Ingiriiska oo ah aasaasohooda iyo Maraykanka oo ah cidda ugu weyn ee maalgelisa”.

VOA