Video:-Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Deni Ee Bosaso?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Golayaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Bosaso, Saraakiisha Ciidanka, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Bosaso.

Socdaalka Madaxweynaha ee Bosaso,ayaa daaran dhawr arimood oo kala ah…

1.Xarig ka jarida wajiga koobaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso.

2.Dhagaxdhigida Wajiga Labaad ee dhismaha garoonka Diyaaradaha Bosaso.

3.Dhagaxdhiga balaarinta Dekeda Bosaso.

4.Kormeerka diiwaangelinta Cod bixiyayaasha.

5.Ku dhawaaqista Laba Todobaad oo lagu daray mudada diiwaangelinta Cod bixiyayaasha.

6.Dhagax-dhiga dhismaha Garoonka Kubada Cagta Bosaso.

Madaxweyne Deni,ayaa joogi doona Bosaso Sadex Beri sida qorshuhu yahay,kadibna,waxuu uduuli doonaa Imaaraadka Carabta,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka