Fadhiga Gudiga joogtada ah Baarlamaanka Puntland oo qabsoomay

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdilaahi Cismaan oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame,ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 1-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada, kaas oo ka qabsoomay aqalka Golaha Wakiillada.

Kulanka ayey Mudanayaashu iskaga xog waraysteen arrimaha ay ka mid yihiin…

1.Dimuqraadiyadda Puntland iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada Goleyaasha Deegaanka ee ka socota qaar ka mid ah Gobollada Puntland.

2.Xaaladda Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laas-caanood iyo deegaannada hoos yimaada.

3.Siyaasadda Puntland iyo Dawladda Federaalka Somaliya.