Madaxweynaha oo kormeeray Dekeda iyo xarumaha Dowlada Ee Bosaso

Boosaaso: 22, Jaanayo, 2023
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee magaalada Boosaaso, Dekedda iyo xarunta Suuqa Kalluunka magaalaadaasi.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha shaqooyinka hortebinta leh ee ay u hayaan shacabka. Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, laamaha amniga iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa kormeerka Madaxweynaha.