Madaxweyne Deni oo la kulmay waxgaradka Gobolka Bari

Boosaaso: 22 January 2023 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan Qado sharaf ah la qaatay Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada, Waxgaradka , Aqoonyahanka , Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa Kulanka ka jeediyay warbixin kooban oo ku saabsan guud ahaan shaqada Dalka ka socota, sida Amniga, Dhismaha Wadooyinka, Garoomada Diyaaradaha, Dekadaha , Mashaariicda horumarin iyo Mashruuca ugu weyn ee tan iyo markii la aasaasay Puntland Hadda loo dhaqaaqay ee Doorashada qof iyo cod, wuxuuna Bulshada Gobolada Bari , Gardafu iyo Karkaar uga mahadceliyay siday uga qeyb qaateen isdiiwaangelinta.

Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay Ahmiyada Dowladdu siinayso Boosaaso oo u ah Puntland xudunta dhaqaalaha, isagoo xusay in Safarka uu ku yimi shaqooyinka qeybta ka ah ay ku jiraan Mashaariic waa weyn oo xariga laga jarayo iyo dhagax dhiga kuwo cusub.

Isimada, Cuqaasha, Nabadoonada iyo Waxgaradka ka hadlay Kulanka , ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey Shaqooyinka taariikhiga ah ee uu hayo, oo ay ugu horeyso Doorashooyinka hal qof iyo hal cod iyo mashaariicda horumarin ee Degmada Bosaso.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.